Tababaraha Chelsea oo shaqada laga ceyriyay

0
45

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Chelsea ayaa shaqada ka ceyrisay Frank Lampard oo muddo 18 bilood ah tababare ka ahaa kooxdaas.

Lampard oo 42 jir ah ayaa kooxda kaga tegay lambarka sagaalaad ee shaxda ciyaaraha horyaalka Ingiriiska kaddib guuldarradii toddobaadkii lasoo dhaafay ay Chelsea kala kulantay Leicester.

Lampard ciyaartiisii ugu dambeysay ee kooxda waxay aheyd ciyaartii Axaddii dhexmartay Lution Town iyo Chelsea taas oo ay ku badisay Chelsea 3-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here