Horu-dhaca West Brom iyo Man City

0
51

Baladweyne(Radio Beerlula)-Man City waxaa laga yaabaa in qadkooda dhexe De Bruyne seego kulankaas waxa uuna la maqnaanayaa dhawaac .

Sergio Aguero , is go`doomin ayuu ku jiraa ka dib markii laga helay caabuqa balse Walker iyo Ake laga yaabaa in ay diyaar u ahaadaan kula

West Brom waa bilaa guul 18-kii kulan ee la soo dhaafay ee horyaalka ee ay la ciyaareen Man City , waxa ay bar bar dhac galeen laba jeer halka 16 kalana ay guul dareysteen .

West Brom Kaliya waxa ay badiyeen hal kulan 9-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska

Haddii kulankaan laga badiyo West Brom waxa ay u noqoneysaa kulankii 5-ad ee xariir ah oo horyaalka ah oo lagu garaacayo garoonkooda tan iyo sanadkii 2004-tii

Man City haddii kulankaan badiyaan waxa ay qabanayaan markii ugu horeeysay xilli ciyaareedkaan qabanayaan horyaalka

City ayaa badisay 6 kulan xariir ah , halka 10 jeerna ay ka haystaan dhamaan tartamada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here