Liverpool oo noqotay kooxda ugu cad cad ee ku guuleysan karta saxiixa xiddiga PSG ee Kylian Mbappé

0
48

Baladweyne(Radio Beerlula)-Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa soo wariyay in Liverpool ay noqotay musharaxa ugu cad cad ee la saxiixan karta weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Magaca Kylian Mbappé ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid, maadaama loo arko inuu yahay bar-tilmaameedka ugu muhiimsan madaxweynaha Los Blanco see Florentino Perez dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Maamulka Real Madrid waxay diyaariyeen qorshe ay kula saxiixanayaan Kylian Mbappé xagaaga sanadkaan, laakiin dhibaatooyinka dhaqaale uu sababay caabuqa Korona Fayras ayaa baabi’iyay riyadii Los Blancos.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu tilmaamay ay la dhibtooneyso inay soo uruuriso qiimaha heshiiska Kylian Mbappé, laakiin dhibaatada kuma koobna qiimaha heshiiska oo kaliya, laakiin sidoo kale mushaharka sannadlaha ah ee ciyaaryahanka.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Liverpool ay si dhaw ula socoto arinta, isla markaana ay isku diyaarineyso inay wadahadal la furaro maamulka kooxda Paris Saint-Germain, si ay Real Madrid ugu garaacdo saxiixa Kylian Mbappé.

Dhanka kale maamulka kooxda Paris Saint-Germain inay iska fasaxaan adeega weeraryahankooda Kylian Mbappé, laakiin ciyaaryahanka ayaa diiday inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, taasoo u horseedi doonta maamulka PSG inay ogolaadaan bixitaankiisa xagaagan, isla markaana ay dhaqaale ahaan uga faa’iideystaan.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska Kylian Mbappé ee kooxda Paris Saint-Germain uu dhamaan doono xagaaga 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here