Man City oo hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League,

0
47

Baladweyne(Radio Beerlula)-Manchester City ayaa guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda West Bromwich oo ay ku booqatay garoonka The Hawthorns, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca 20–aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Daqiiqadii 6-aad Manchester City ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda reer Germany ee Ilkay Gundogan, kaadib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Joao Cancelo.

22 daqiiqo marka ay dheeshu aheyd Manchester City oo u muuqatay koox ay ka go’neyd inay gacanta ku dhigto saddexda dhibcood ayaa waxay dhalisay goolkeeda labaad, kaddib markii uu 0-2 ka dhigay Joao Cancelo, oo caawin ka helay Bernardo Silva.

Ilkay Gundogan ayaa daqiiqadii 30-aad niyadjabiyay kooxda West Bromwich Albion, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 45-aad Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaanka dheesha kaddib markii uu 0-4 ka dhigay Riyad Mahrez, waxaana goolkan caawintiisa lahaa Raheem Sterling.

Daqiiqadii 57-aad Raheem Sterling oo caawin ka helay saaxiibkiis Riyad Mahrez ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisak Man City wuxuuna dheesha ka dhigay 0-5.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-5 oo ay Manchester City kaga soo adkaatay kooxda West Bromwich Albion oo ay ku booqatay garoonka The Hawthorns, Sky Blue ayaa hoggaanka u qabatay miiska kala sareynta horyaalka Premier League, iyaga oo leh 41 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here