Liverpool oo guul muhiim ah ka soo heshay kooxda Tottenham Hotspur oo ay booqatay

0
51

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa guul muhiim ah ka soo heshay kooxda Tottenham oo ay ku booqatay garoonka Tottenham Hotspur Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 20-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Liverpool.

Daqiiqadii 45-aad Roberto Firmino oo caawin ka helay saaxiibkiis Sadio Mane ayaa hoggaanka u dhiibay kooxda Liverpool, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

47 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Liverpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Trent Alexander-Arnold.

Laakiin daqiiqadii 49-aad Tottenham Hotspur ayaa la timid gool, kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Pierre-Emile Hoejbjerg, waxaana goolkan ka caawiyay Steven Bergwijn.

Daqiiqadii 65-aad Sadio Mane ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Liverpool, kaddib markii uu caawin ka helay Trent Alexander-Arnold, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 oo ay Liverpool kaga soo adkaatay kooxda Tottenham oo ay ku booqatay garoonka Tottenham Hotspur Stadium, Reds ayaa haatan ku jirta booska afaraad ee kala sareynta horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here