Labo ka mid ah xiddigaha Kooxda Paris Saint-Germain oo laga helay Korona Fayras

0
51

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida la xaqiijiyey labo ka mid ah xiddigaha Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa laga helay caabuqa Korona Fayras.

Xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain, Marco Verratti iyo daafaca kooxdaas,  Abdou Diallo ayaa laga helay Korona Fayras sida ay xaqiijisay Kooxda haysata horyaalnimada Faransiiska.

“Marco Verratti iyo Abdou Diallo waxaa dib ugu soo laabtay oo laga helay KOFID 19,” ayuu dhignaa bayaan ka soo baxay Kooxda PSG.

“Waxay bilaabi doonaan muddo go’doomin ah ama karaantiil ah, waxaanna la tiigsan doonnaa hab-maamuuska caafimaad ee ku habboon.”

Xeerarka Faransiiska ayaa dhigaya in dadka laga helo Korona Fayras ay karaantiil ama go’doomin geli doonaan muddo toddobo maalmood ah.

Horraantii bishaan Macallinka PSG ee Mauricio Pochettino ayaa seegay kulammadii Angers iyo Montpellier kaddib markii laga helay KOFID 19.

PSG, taasoo ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Ligue 1 ayaa booqanaysa Axadda Lorient ka hor inta Arbacada soo dhoweynin kooxda halka ugu hooseysa ka hoggaaminaysa horyaalka ee Nimes, waxaana u sii xiga kulanka ay la leeyihiin  07 bishan Ferbaayo naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Olympique de Marseille.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here