Neymar Jr oo ka hadlay Mustaqbalka Kylian Mbappe ee PSG

0
20

Baladweyne (Radio Beerlula)-Aafada Korona Fayras iyo dhibaatada dhaqaale ee uu sababay ayaan ku filnaynin inay soo afjaraan wararka xanta ah ee la xiriirinaya Neymar inuu ka tagayo Paris Saint-Germain, laakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa iyo kan Kylian Mbappe.

Wareysi uu bixiyey waxa uu kaga hadlay waxa horyaalla naftiisa iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kylian Mbappe.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan, waxaana doonayaa inaan sii joogo PSG, waxaana rajeynayaa Mbappe inuu doonayo inuu sidoo kale sii joogo,” ayuu Neymar ku sheegay Wareysi uu siiyey TF1.

“Dabcan, taasi waa rabitaanka taageerayaasha oo dhan, waxaan doonaynaa in PSG ay noqoto koox weyn, waxaana doonayaa inaan sii wado waxa aan halkaan ku sameeyo, inaan kubadda ciyaaro oo aan faraxsanaado.

“Maanta aad ayaan u faraxsanahay, waxaan dareemayaa farxad, waxyaabo badan ayaa isbadalay, si sax ah uma sheegi karo sababta, haddii ay tahay aniga ama wax kale.

Neymar ayaa labo gool oo rigooreyaal ah u dhaliyey PSG xalay, laakiin taasi kama badbaadin kooxda uu hoggaamiyo macallin Mauricio Pochettino guuldarro waqtigii dhimashada ee dhammaadkii dheesha ka soo gaartay Lorient oo ka mid ah saddexda kooxood ee ugu hooseeya horyaalka Ligue 1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here