Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Kulamada Uu Sergio Aguero Ka Maqnaan Doono Kooxdiisa.

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddigiisa Sergio Aguero seegi doono kulamada Burnley iyo Liverpool ee horyaalka premier League.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa si buuxda uga soo kabsaday xanuunka Korona kaas oo garoomada u diiday kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ciyaarta.

Xanuunka Korona ayaa ku dhacay xiddiga Sergio Aguero kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu uga maqnaa kulamo badan oo kooxdisa ah xilli ciyaareedkan.

Tababare Pep Guardiola oo arinta Sergio Aguero Ka hadlaya kulanka Burnley ayuu yidhi”Sergio Aguero Wali wax tababar ah lama qaadan kooxda”.

“Waxa uu u baahanyahay dhawr toobaad si uu diyaar u noqdo kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona”ayuu sii raaciyay.

Warkan ayaa la macno ah in uu Sergio Aguero seegi doono kulamada Burnley, Liverpool, Swansea City iyo Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here