Manchester United oo 9-0, uga adkaatay kooxda Southampton

0
47

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul weyn kaga gaartay 9 xiddig oo kooxda Southampton ah, kaddib markii ay kaga adkaatay 9-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta Southampton ayaa waxaa kaarka roosaha ka qaatay laacibkooda Alexandre Jankewitz, taasoo saameyn xoogan ay ku yeelatay kooxda.

18 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Aaron Wan-Bissaka oo caawin ka helay Luke Shaw ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.

Daqiiqadii 25-aad Manchester United ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Marcus Rashford, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mason Greenwood.

34 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd xiddiga kooxda Southampton ee Jan Bednarek ayaa gool iska dhaliyay, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay Manchester United.

Balse sheeko waxay ku sii xumaatay Southampton daqiiqadii 39-aad kaddib markii uu Edinson Cavani ciyaarta ka dhigay 4-0, xilli uu caawinta goolkan ka helay daafaca garabka bidix ee reer England Luke Shaw.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad Manchester United oo sii wadata bandhigeeda goolasha ayaa waxay ciyaarta ka dhigtay 5-0, kaddib markii uu gool u dhaliyay weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

72 daqiiqo Scott McTominay ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna dheesha ka dhigay 6-0.

Daqiiqadii 88-aad Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badalay Bruno Fernandes oo ciyaarta ka dhigay 7-0.

89 daqiiqo Anthony Martial ayaa ciyaarta ka dhigay 8-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Sheeko intaas kuma ekaaninee Daniel James oo caawin ka helay saaxiibkiis Bruno Fernandes ayaa soo xiray bandhiga goolasha ee kooxda Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 9-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 9-0 ay Manchester United kaga adkaatay kooxda Southampton oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, Red Devils oo fadhisa booska labaad ee kala sareynta horyaalka ayaa waxay min 44 dhibcood wadaagaan hoggaamiyaasha Man City oo habeen dambe la balansan Burnley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here