Di María oo si maldahan u sheegay suurtagalnimada uu Messi ugu dhaqaaqi karo kooxda Paris Saint-Germain

0
46

Xiddiga reer Argentina iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Ángel Di María ayaa dab ku sii shiday wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka laacibka ay dhalashada wadaaga yihiin ee Lionel Messi.

Ángel Di María ayaa si maldahan u sheegay inay jirto suurtagalnimada uu kaga garab ciyaari karo Lionel Messi garoonka Parc des Princes inta lagu jiro xilli ciyaareedka soo socda.

Mustaqbalka Lionel Messi ayaa ah arinta ugu muhiimsan ee dhanka warbaahinta waqtiyadan dambe, sababa la xiriira in heshiiskiisa kooxda Barcelona uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, ilaa iyo haatana ma jiraan wax wada hadalo ah ee u socda labada dhinac si loo cusbooneysiiyo qandaraaska.

Paris Saint-Germain ayaa lala xiriirinayay saxiixa Lionel Messi dhowr bilood ka hor waxaana jira tilmaamo badan oo ka soo baxaya kooxda reer France, gaar ahaan xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr, kaasoo muujiyay inuu doonayo in markale uu la ciyaaro Leo.

Si la mid ah agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Leonardo Araújo ayaa carabka ku adkeeyay in fikirka la saxiixashada Messi uu yahay mid xiiso leh, haddii la heli karo taas.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ángel Di María, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan rajeynayaa inaan cusbooneysiiyo heshiiska Paris Saint-Germain.”

“La ciyaarista Lionel Messi? Haa sidaas ayaan rajeynayaa, waxaan u maleynayaa inay jiraan fursado badan ee arintan ku saabsan.”

”Waa in aan haatan isdajiyaa oo aan ka fikiraa shaqadayda, waan ku faraxsanahay Paris Saint-Germain waxaanan doonayaa in aan halkan ka sii ciyaaro.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here