Xiddig hore kooxda Real Madrid ah oo ka warbixiyay mustaqbalka Kylian Mbappé

0
43

Baladweyne (Radio Beerlula)- Weeraryahanka reer Spain ee Jesé Rodríguez ayaa soo laabtay si uu markale u xirto maaliyada kooxda Las Palmas, xiddigii hore Real Madrid ayaa la hadlay “Radio Marca” si uu uga hadlo wixii soo maray iyo waxa sugaya mustaqbalka.

Jesé Rodríguez ayaa sidoo kale taabtay mowduucyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin mustaqbalka xiddiga reer France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, kaasoo in muddo ah ay saaxiibo ku ahaayeen garoonka Parc des Princes.

Image result for jesé rodríguez

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Jesé Rodríguez, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Mbappé runti wuxuu doonayaa inuu aado Real Madrid. Cristiano Ronaldo waligiis wuxuu ahaa xiddigo uu kaga daydo kubadda cagta.”

“Wuxuu jecel yahay Madrid waana hubaa inuu maalin uun halkaas ka ciyaari doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here