Isku aadka Afar dhammaadka Copa del Rey oo la shaaciyey

0
37

Baladweyne(Radio Beerlula)-Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa sameeyey isku aadka wareegga afar dhammaadka Copa del Rey, iyadoo la ogaaday kooxda lagu beegay naadiga Barcelona.

Tartankan ayaa waxaa wareegii la soo dhaafay ku soo haray kooxo ay ka mid yihiin, Granada iyo Villarreal

Barcelona ayaa booqan doonta oo lagu beegay kooxda Sevilla, halka Levante ay soo dhaweyn doonto Athletic Bilbao.

Taariikha kulamadan afar dhammaadka lugta koowaad ayaa la ciyaari doonaa 10-ka bishan February halka lugta labaad la ciyaari doono 3-da bisha March ee soo aadan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka Afar dhamaadka Copa del Rey oo dhammaystiran:-

Sevilla vs Barcelona .

Levante vs Athletic Bilbao

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here