Aston Villa Wolverhampton oo garoonkeeda Villa Park guuldarro xanuun badan ku baday kooxda Arsenal

0
22

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Aston Villa ayaa garoonkeeda Villa Park guuldarro xanuun badan ku baday naadiga Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Aston Villa.

Daqiiqadii 2-aad ee bilawgii ciyaarta kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Ollie Watkins, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bertrand Traore.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay Aston Villa kaga adkaatay kooxda Arsenal oo ku soo booqatay garoonka Villa Park, Gunners ayaa ku jirta booska 10-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, halka Aston Villa ay ku jirto booska 8-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here