
Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka adag Real Betis ee horyaalka La Liga dalka Spain.
Barcelona ayaa ku booqan doonta kooxda Real Betis garoonka Estadio Benito Villamarin, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Ronald Koeman hoggaanka u haya kabtan kabtanka kooxda ee Lionel Messi.
Ma jiro war cusub, gaar ahaan xaalada kooxda Barca, kaddib markii tababaraha uu go’aansaday inuu adeegsado dhamaan ciyaartoyda la heli karo ee kooxda koowaad ah iyo dhamaan xiddigihii ka qeyb qaatay kulnkii Arbacadii la soo dhaafay ay la ciyaareen Granada.
Laakiin Sergi Roberto ayaan ku soo bixin liiskan sidii la filayay kaddib dhaawacii ugu dambeeyay ee soo gaaray, taasoo ka fogoneysa safka kooxda Barcelona ugu yaraan mudo bil ah.
Haddba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Real Betis ee horyaalka La Liga: