Barcelona oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Real Betis oo ay booqatay

0
30

Baladweyne (Radio Beerlula)- Barcelona ayaa guul ka soo heshay kooxda Real Betis oo ay ku booqatay garoonkeeda Reale Seguros, kadddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Real Betis.

Daqiiqadii 38-aad kooxda kubadda cagta ee Real Betis ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Borja Iglesias, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Emerson.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

59 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Lionel Messi, oo caawin ka helay xiddiga reer France ee Ousmane Dembele.

Daqiiqadii 68-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga kooxda Real Betis ee Victor Ruiz, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 1-2.

Laakiin 75 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda martida loo ahaa ee Real Betis ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 2-2 ka dhigay Victor Ruiz oo caawin qurux badan ka helay Nabil Fekir.

87 daqiiqo Trincao ayaa markale hoggaanka u dhiibay kooxda Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 2-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta aya ku dhamaatay 2-3 ay ku adkaatay kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd naadiga Real Betis garoonkeeda Reale Seguros. Barca ayaa haatan ku jirta booska 2-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Spain inkastoo ay min 43 dhibcood wadaagaan Real Madrid oo 3-aad fadhisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here