Kooxda Real Madrid oo isku diyaarinaysa inay iska iibiso Raphael Varane

0
33

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay iska iibiso Raphael Varane xagaagan haddii ay ku guuldarreystaan inay la gaaraan heshiis kordhin qandaraaskiisa ah.

Varane ayaa saxiixay heshiiskiisii ugu dambeeyey ee garoonka Bernabeu sanadkii 2017-kii, waxaana heshiiskiisa uu haatan ku eg yahay bisha June ee sanadka 2022.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa laf dhabar u ahaa safka koowaad ee kooxda Los Blancos tan iyo sanadkii 2015-kii, isagoo sii xoojiyay iskaashiga uu la lahaa Sergio Ramos.

Si kastaba ha noqotee, sida ay warinayso Jaririadda Marca, Real Madrid ayaa diyaar u ah inay iska fasaxdo isaga haddii aysan heshiis cusub kula heshiin xagaagan.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ayaa wali doorbidaysa inay la soo saxiixdaan daafac dhexe halkii ay heshiisyo cusub ka saxiixan lahayd daafacyadeeda dhexe, laakiin waxaa jira qorshooyin ku meel gaar ah oo meesha yaal haddii natiijada ugu yar ee la doorbido ay dhacdo.

Varane ayaa horay u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda, wuxuuna ku dhawaaday inuu sidaas sameeyo sanadkii 2019, markaasoo labada Manchester iyo Paris Saint-Germain ay xiiseynayeen daafacan.

Waxaa lagu soo warramayaa in labadaas weli ay xiiseynayaan adeeggiisa, halka Chelsea iyo Juventus sidoo kale lagu tiriyo inay indhaha ku hayaan difaacii hore ee Lens.

Saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Sergio Ramos ayaan wali aqbalin heshiis cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Bernabeu, wuxuuna wali kooxda ka tagi karaa xagaagan, waa xaalad la mid ah tan 27-sano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here