Xiddiga ku guuleysatay abaal-marinta laacibka bisha January ee kooxda Man City oo la shaaciyay

0
33

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa la shaaciyey ciyaaryahanka ku guuleysatay abaal-marinta xiddiga bishii January ugu fiicnaa kooxda Manchester City, iyadoo ay abaal-marintan ku tartamayeen Saddex ciyaaryahan oo wacdaro ka dhigay kooxda bishii la soo dhaafay.

Ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Manchester City ee İlkay Gündoğan ayaa loo magacaabay xiddiga bishii January ugu fiicnaa kooxda Man City, kaddib markii uu laacibka City ku guuleystay inuu helo in kabadan 70% codadka Cityzens, isagoo abaal-marinta ku garaacay saaxiibadiis kooxda ee John Stones iyo Joao Cancelo..

Gündoğan wuxuu ku soo bandhigay heerar kala duwan kooxda Man City, oo kii ugu dambeyay uu ahaa kulankii ay kula ciyaareen Liverpool garoonka Anfield, kaasoo uu ka dhaliyay 2 gool, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay inay ku adkaato 1-4.

İlkay ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulankii ay la ciyaareen kooxda Chelsea 3-da bishii January kaasoo ay kaga adkaadeen 3-1, wuxuuna ku guuleystay inuu gool ka dhaliyo Blues, kahor inta aysan guul kaga gaarin Brighton 1-0.

Khadka dhexe reer Germany ayaa markale shabaqa soo taabtay kulankii xigay oo ay Crystal Palace kaga adkaadeen 4-0 garoonka Etihad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here