Man United oo u gudubtay wareega Siddeeda ee tartanka FA Cup

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa u gudubtay wareega Siddeed dhamaadka ee tartanka FA Cup kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda West Ham United oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, kulankii wareega shanaad ee tartanka FA Cup-ka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey ku kala nasteen labada kooxood Manchester United iyo West Ham United barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayeey dheesha ku dhamaatay barbardhac 0-0 ah, waxaana loo baahday 30 daqiiqo dheeri ah si loo kala saaro labada kooxood.

Daqiiqadii 97-aad ee waqtigii dheeriga ahaa kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Scott McTominay, oo caawinta goolkan ay kaga timid Marcus Rashford.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda West Ham United oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, kulankii wareega shanaad ee tartanka FA Cup-ka, Red devils ayaana u gudubtay wareega xiga tartankan ee siddeed dhamaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here