Xiddig hore ManUnited ah oo si niyadjab leh kaga hadlay xaalada Van de Beek uu kaga sugan yahay Old Trafford

0
29

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xiddiga reer Holland ee Donny van de Beek ayaan wali cagta saarin waayihiisii fiicnaa ee kooxda Manchester United, maadaama uusan ka mid aheyn ciyaartoyda uu tababaraha reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær uu si joogta ah ugu tiirsan yahay.

Donny van de Beek ayeey dhibaato adag ka heysataa inuu soo galo line-upka Red Devils, wuxuuna fursad uu ku ciyaaro helay Arbacadii kulankii ay kooxdiisa kula ciyaartay West Ham United tartanka FA Cup.

Haddaba xiddigii hore kooxda  Manchester United ee Mark Hughes ayaa ka hadlay qaabkii uu Donny van de Beek kaga soo muuqday kooxda reer England wuxuuna yiri:

“Waxaa jirta xaalad kalsooni darro ah oo ku hareeraysan isaga, waxaan dareemayaa in saaxiibbadiis aysan ku kalsoonayn inay siiyaan kubadda isaga.”

Van de Beek ayaa xagaagii hore u dhaqaaqay Manchester United isagoo kaga yimid Ajax heshiis ku kacay 40 million euros, laakiin joogitaanka kooxda ee xiddigaha Bruno Fernandes iyo Paul Pogba, ayaa ka dhigtay inuu fariisto kursiga keydka, maadaama tababare Ole Gunnar Solskjær uu ku tiirsan yahay labadan xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here