Zidane oo helaya war farxad leh kahor kulanka dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo Valencia

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)-JReal Madrid ayaa la il daran musiibo la xiriirta dhaawacyada xiddigaha kooxdeeda, taasoo gaarsiisay tababare Zinedine Zidane in kulankii ugu dambeeyay ay la ciyaareen Getafe uu kaliya helo adeegyada 13 xiddig oo ka tirsan kooxda 1-aad.

Dhibaatada kooxda ayaa sii kordhisay kaddib dhaawacii soo gaaray daafaca reer Brazil ee Marcelo inta lagu jiray kulankii Getafe ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Haddaba kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarineysa kulanka ay kula ciyaareyso Valencia horyaalka La Liga , iyadoo la filayo inay kulankan seegi doonaan ciyaartooy muhiim ah, kuwaasoo kala ah Sergio Ramos, Rodrygo, Federico Valverde, Lucas Vázquez, Eden Hazard iyo Dani Carvajal, sababa la xiriira dhaawacyo ay qabaan.

Laakiin Zidane ayaa laga yaabaa inuu helay war farxad leh ee ku saabsan inuu soo laabto daafaca reer Spain ee Dani Carvajal iyo suurtagalnimada uu kaga qeyb galayo kulanka Valencia.

Image result for Dani Carvajal

Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan kooxda boqortooyada ee Los Blancos, 4 maalmood ka hor kulanka Valencia, Dani Carvajal ayaa wuxuu gaaray heerar sare ee safarka uu kaga soo kabanayo dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Celta Vigo, horaanta bishii hore.

Ciyaaryahanka ayaa mari doona baaritaano todobaadkan si uu ugu soo laabto ka mid noqoshada kooxda isla markaana uu u caawiyo kooxda kulamada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here