Mohamed Salah oo fariin u diray taageerayaasha Liverpool kaddib markii uu ku guuleystay laacibka bisha ee kooxda

0
42

Baladweyne(Radio Beerlula)- Mohamed Salah ayaa jeediyay hadalo xamaasad leh isaga oo ka duulaya xaalada adag ee Liverpool soo food saartay, wuxuuna carabka ku adkeeyay baahida loo qabo inay hormar sameeyaan, isla markaana ay guuleystaan kulamada soo socda, wuxuuna tilmaamay inuu mar walba isku dayayo inuu gool dhaliyo si uu u caawiyo kooxda.

Mohamed salah ayaa ku guulaystay in loo caleemo saaro abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiicana Liverpool intii lagu jiray bishii January ee la soo dhaafay, kaddib markii uu ku guuleystay inuu dhaliyo 5 gool 7 kulan oo uu ciyaaray, wuxuuna abaal-marintan ku garaacay Jordan Henderson iyo Trent Alexander-Arnold

Laacibka reer Massar ee  Mohamed Salah ayaa u sheegay Website-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto abaal-marintan, laakiin marwalba waxaan sheegaa in kooxda ay wax walba ka horeyso, Waa wax weyn in lagu guuleysto abaalmarinno shaqsiyeed, laakiin waa inaan diirada saarnaa guuleysiga kulamada iyo inaan hormar sameyno, Waxaan u maleynayaa in December ay ka fiicneyd, laakiin waa inaan guuleysanaa kulamada, iyadoo aan loo eegin wax kasta.”

“Marka aan goolal dhalinayo oo aan ka caawiyo kooxda in ay guul gaarto kulamada, taasi wey iga farxineysaa, laakiin marka aad goolal dhaliso oo ayna kooxdaadu guuleysan, dareenka ma fiicna, waa inaan sii wadnaa horumarka, mar walbana waxaan isku dayaa inaan dhaliyo si aan u caawiyo kooxda.”

“Waxaan u maleynayaa in jamaahiirta had iyo jeer ay na taageeraan, waxaan kaga xiisnay Anfield sababa la xiriira Korona Fayras, laakiin waxaan hubaa inay mar walba na taageeraan, kaliya waa inaan wada joognaa oo aan sii wadnaa horumarka isla markaana aan guuleysano kulamada waxa ugu muhiimsanna waa inaan wada joogno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here