Tababaraha ku guuleysatay abaal-marinta macalinka bisha January ee Premier League oo la shaaciyay

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa la shaaciyey tabaraha ku guuleystay abaal-marinta macalinka bishii January ugu fiicnaa horyaalka Premier League, waxaana magacyada ku tartamayay qeyb ka ahaa tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa si Rasmi ah u shaaciyay magaca tababarihii ku guulaystay abaal-marinta macalinkii ugu fiicnaa bishii lasoo dhaafay ee January.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku guuleystay abaal-marinta macalinkii ugu fiicnaa bishii lasoo dhaafay ee Januray horyaalka Premier League.

Horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa 50 dhibcood ku hogaaminaysa kooxda Manchester City, waxaana ka horeeyaan kooxaha Manchester United, Leicester City iyo Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa isku diyaarineysa kulan muhiim ah oo ay Sabti, kula ciyaari doonto kooxda Tottenham Hotspur horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here