Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono 5 ta horyaal ee ugu waa weyn Yurub

0
44

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga dalka Jarmalka iyo Ligue 1.

Kooxaha Manchester City, Liverpool, Barcelona, Juventus, AC Milan, Borussia Dortmund & PSG ayaa ka mid ah kooxaha maanta caawa ciyaari doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League waxaa ugu madax fiiqan kulanka ay wada dheeli doonaan Manchester City iyo Tottenham iyo midka ay Liverpool ay booqanaysa Liecester City.

Horyaalka La Ligaha Spain kulanka ugu weyn caawa waa mid ay Kooxda Barcelona marti gelin doonto Alaves, halka horyaalka Bundesliga ay Borussia Dortmund galabta soo dhoweyn doonto Hoffenheim.

Dhinaca kale horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga Kooxaha waa weyn ee Juventus iyo AC Milan ayaa ugu madax fiiqan, iyadoo Napoli ay soo dhoweyn doonto Juve.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

03:30 Galabnimo Leicester City vs Liverpool

06:00 Maqribnimo Crystal Palace vs Burnley

08:30 Habeennimo Manchester City vs Tottenham Hotspur

11:00 Brighton & Hove Albion vs Aston Villa

SPAIN – LALIGA SANTANDER

04:00 Galabnimo Granada vs Atletico Madrid

06:15 Maqribnimo Sevilla vs SD Huesca

08:30 Habeennimo Eibar vs Real Valladolid

11:00 Habeennimo Barcelona vs Deportivo Alaves

ITALY – SERIE A

05:00 Galabnimo Torino vs Genoa

08:00 Habeennimo SSC Napoli vs Juventus

10:45 Habeennimo Spezia vs AC Milan

GERMANY – BUNDESLIGA

05:30 Galabnimo Bayer Leverkusen vs Mainz 05

05:30 Galabnimo Borussia Dortmund vs Hoffenheim

05:30 Galabnimo VfB Stuttgart vs Hertha Berlin

05:30 Galabnimo Werder Bremen vs Freiburg

08:30 Habeennimo Union Berlin vs Schalke 04

FRANCE – LIGUE 1

07:00 Fiidnimo Paris Saint-Germain vs Nice

09:00 Habeennimo Reims vs Lens

11:00 habeennimo Lyon vs Montpellier

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here