Leicester City oo garoonkeeda King Power guul weyn kaga gaartay kooxda Liverpool

0
39

Baladweyne (Radio Beerlula)-Leicester City ayaa garoonkeeda King Power guul weyn kaga gaartay kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Mohamed Salah, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Roberto Firmino.

80 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Leicester City ayaa heshay goolka barbardhac ah waxaana 1-1 xiddgooda khadka dhexe ee James Maddison.

Daqiiqadii 82-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay Jamie Vardy.

Laakiin sheeko waxay is badeshay daqiiqadii 85-aad Harvey Barnes oo caawin ka helay saaxiibkiis Wilfred Ndidi ayaa si toos u niyadjabiyay kooxda Liverpool, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Leicester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Leicester City kaga adkaatay kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka King Power, kaddib kulan aad u xiiso badan ay wada ciyaareen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here