Mikel Arteta oo ka hadlay guushii weyneyd ay kooxdiisa Arsenal ka gaartay Leeds United

0
39

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii weyneyd oo ay kooxdiisa ka gaartay Leeds United, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul weyn oo 4-2 ah ka gaartay naadiga Leeds United kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League, xilli Pierre-Emerick Aubameyang uu saddex jeer shabaqa soo taabtay.

Shabakada “Football London” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Mikel Arteta kaddib ciyaarta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Haddii ay jirto koox ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska oo aan waligeed is dhiibin, waxay noqon doontaa Leeds United, waxay ciyaarta nooga dhigeen mid adag.”

“Waxaan u maleynayaa inaan ka waxqabad badneyn isla markaana dheelitirneyn, waxaan qaadanay waqtigeena markii ay lagama maarmaanka ahayd, go’aan qaadashadeena ayaa aad u fiicneyd.”

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Arsenal ayaa soo degtay kaalinta 10-aad ee Premier League, waxaana ay Gunners haatan lix dhibcood oo qura ka dambeysaa kooxda kaalinta afaraad horyaalka ku jirta ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here