Chelsea oo la wareegtay booska afaraad ee horyaaka kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Newcastle United

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa la wareegtay booska afaraad kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Newcastle United 2-0 ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 31-aad kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda reer France ee Olivier Giroud.

39 daqiiqo marka dheesha mareysay Timo Werner ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Chelsea.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 oo ay Chelsea kaga adkaatay Newcastle United oo ku soo booqatay garoonka Stamford Bridge, Bleus ayaa hadda fadhisa booska afaraad ee kala sareynta horyaalka iyadoo leh 42 dhibcood, halka Liverpool ay u dhacday booska 6-aad kaddib markii ay aruur sadeen 40 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here