Paris Saint-Germain oo guul muhiim ah ka soo heshay Barcelona

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)-Paris Saint-Germain ayaa guul muhiim ah ka soo heshay kooxda oo ay ku booqatay Barcelona garoonka Camp Nou, xilli uu saddexleey saxiixay Mbappe, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4.

Qeybta hore ee kulanka adag ee kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 27-aad Barcelona ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Lionel Messi, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barca.

Laakiin 32 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhalisay goolka barbardhaca , kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Kylian Mbappe oo caawin cajiib ah ka helay saaxiibkiis Marco Verratti.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-2 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe.

Laakiin sheeko waxay ku xumaatay kooxda Barcelona daqiiqadii 70-aad kaddib markii uu Moise Kean oo caawin kaga timid saaxiibkiis Leandro Daniel Paredes uu ciyaarta ka dhigay 1-3.

Daqiiqadii 85-aad Paris Saint-Germain ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha, waxaana 1-4 ka dhigay Kylian Mbappe oo dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta, kaddib markii uu caawin cajiib ah ka helay Julian Draxler.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaaatay 1-4 oo ay Paris Saint-Germain kaga soo adkaatay Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here