Suuq lagu iibiyo geela oo laga hirgeliyay dalka Australia.

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalka Australia oo ay ku nool yihiin geel aad u badan balse aanan la dhaqanin oo hawdka daaqa, ayaa waxaa markii ugu horreysay laga bilaabay suuq internet-ka ah oo lagu iibiyo geela duurjoogta ah ee dalkaas.

Suuq oo ah mid dhanka internet-ka ayaa ah meel lagu xaraashi doona geela dalka Australia.

Suuqa AuctionsPlus ee dalka Australia ayaa la soo dhigay sawirrada 120 neef oo geel ah, kuwaas oo noqonaya geelii ugu horreeyay ee lagu iibiyo bartan, waxaana halkii neef lagu iibinayaa 250 doollar.

Suuqan ayaa waxa uu soo jiitay dad kala jooga gobollada fog-fog ee dalka Australia, gaar ahaan galbeedka Queensland, kuwaas oo aad u daneynaya inay iibsadaan geela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here