Gabadh si khasab ah timaha loogu madoobeeyay oo heshay magdhaw

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula)- Gabadh ku sugan dalka Japan aya ku guuleystay inay hesho lacag magdhaw ah kaddib markii macalimiinteeda ay ku caadaadiyeen in timaha ay mariso madoobeyso arrintaas oo u horseeday inay isaga tegto waxbarashada.

Maamulka Iskuulka ma uusan aaminsaneyn in gabadha ay laheyd timo casaan ah oo ay ku dhalatay isla markaana ay ku khasbeen inay isticmaasho madoobeyso.

Maamulka ayaa gabadha ka mamnuucay waxbarashada iyo inay ka qeyb noqoto ardeyda loo qaadayo goobo kale kaddib sababata aysan u madoobeyn timaheeda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in tallaabada uu qaaday iskuulka ay aheyd mid sharci ah balse waa in gabadha la guddoonsiiyaa lacag magdhaw ah oo gaareyso 3,100 oo doolar kadib dhibaatada loo geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here