Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono tartanka Europa League

0
33

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulammo ka tirsan wareegga 32-ka kooxood ee Europa League ayaa lagu wadaa in caawa la ciyaaro iyadoo kooxo waa weyn ay ka soo muuqan doonaan.

Kooxaha Manchester United, Arsenal, AC Milan, AS Roma, Tottenham & kuwo kale ayaa ka mid ah kooxaha caawa ciyaaraya tartankan.

Manchester United ayaa u safreysa Real Sociedad, halka Benfica ay soo dhoweynayso naadiga Arsenal.

Kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa dhankeeda u safreysa FK Crvena Zvezda, halka Wolfsberger AC ay soo dhoweynayso Tottenham Hotspur.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono wareegga 32-ka ee tartanka Europa League iyo saacadaha ay soo geli doonaan:-

06:00 Maqribnimo Dynamo Kyiv vs Club Brugge

08:55 Habeennimo FC Krasnodar vs Dinamo Zagreb

08:55 Habeennimo FK Crvena Zvezda vs AC Milan

08:55 Habeennimo Olympiacos vs PSV Eindhoven

08:55 Habeennimo Real Sociedad vs Manchester United

08:55 Habeennimo SC Braga vs Roma

08:55 Habeennimo Slavia Prague vs Leicester City

08:55 Habeennimo Wolfsberger AC vs Tottenham Hotspur

08:55 Habeennimo Young Boys vs Bayer Leverkusen

11:55 Habeennimo Benfica vs Arsenal

11:55 Habeennimo Granada vs SSC Napoli

11:55 Habeennimo Lille vs Ajax

11:55 Habeennimo Maccabi Tel Aviv vs Shakhtar Donetsk

11:55 Habeennimo Molde vs Hoffenheim

11:55 Habeennimo Royal Antwerp FC vs Rangers

11:55 Habeennimo Salzburg vs Villarreal

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here