Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday maanta oo Khamiis ah laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha January ugu fiicnaa Los Blancos.
Los Blancos ayaa shaacisay in ciyaaryahanka khadka dhexe reer Croatia ee Luka Modrić uu ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa kooxda uu hoggaamiyo tababare Zinedine Zidane bishii hore.
Luka Modrić ayaa ka qayb qaatay 4 kulan oo uu la ciyaaray Real Madrid intii lagu jiray bishii january oo kaliya, wuxuu caawiyay gool kulankii Deportivo Alaves, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay kooxdiisii inay guul kaga gaarto Celta Vigo 2-0, kaddib waxay barbardhac 0-0 ah la galeen Osasuna, waxayna guul kaga gaareen naadiga Deportivo Alavés 4-1, kahor inta aysan ku soo afjarin bisha guuldarro 2-1 ah ee ka soo gaartay Levante.
Luka Modrić ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay ku guuleysiga abaalmarinta, isagoo u mahadceliyay taageerayaasha kooxda Real Madrid, ee siiyay codadkooda, si uu kaga guuleysto abaal-marinta ciyaartoyda kale intii lagu jiray bishii la soo dhaafay.
Modrić ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka kooxda Real Madrid wuxuu ku muujiyay dareenkiisa, kaddib abaal-marinta uu ku guuleystay:
“Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo taageerayaasha garab istaaga iyo jaceylka ay i qabaan, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleystay abaal-marintan.”
“Waxaan gaarnay natiijooyin wanaagsan muddadii ugu dambeysay, toddobaadkii la soo dhaafay aad ayuu u fiicnaa intii lagu guda jiray waxaan guuleysanay seddex kulan oo aad muhiim u ah.”
“Waxaan si fiican ula ciyaarnay Getafe iyo Valencia, ujeedkeena waa inaan ku sii socono isla wadadaas mudada soo socota.”