Australia oo khafiifisay xayiraadda COVID-19

0
40

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowladda Australia ayaa khafiifisay xayiraadda ka hortagga COVID-19 ee saarneyd gobolka Victoria, kaddib marki uu hoos u dhacay faafista xanuunka.

Xayiradan ayaa intii ay saarneyd gobolkan sameyn ku yeelatay iskuullada, ganacsiga, masaajida iyo goobaha kale ee dadweynaha ay ku kulman.

In ka badan 28,911 ruux ayaa laga helay cudurka karoona feyris dalka Australia tan iyo markii cudurka uu bilowday.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku warantay in cudurkan dalka Australia ugu geeriyoodeen in ka badan 909 ruux.

Dalal ka mid ah caalam-ka ayaa waxaa xiligan markale ku soo laba kacleeyay cudurka karoona feyris , iyadoo dalalkaasi ay diwaangeliyeen kiisas cusub oo ka mid ah cudurkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here