Sergio Aguero oo ka hadlay suurtogalnimada ay Man City kula saxiixan karto Lionel Messi

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga reer Argentina iyo kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa ka hadlay suurtagalnimada ay City kula soo saxiixan karto Lionel Messi, xilli sidoo kale uu ka dhawaajiyay suurtagalnimada uu kaga tagi karo garoonka Etihad kaddib dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Magaca Lionel Messi ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo safka kooxdiisa Barcelona, ​​iyadoo ay xiiseynayaan inay la saxiixdaan kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester City.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Barcelona wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda, ilaa iyo haatanna ma uusan cusbooneysiinin qandaraaskiisa kooxda, taasoo rajo galineysa kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester City suurtogalnimada ay kula saxiixan karaan.

Laakiin Sergio Aguero ayaa sidoo kale u arka in arinta ay yara  ku adag tahay Manchester City, maadaama qandaraaskiisa kooxda sidoo kale uu dhacayo xagaaga, welina ma uusan cusbooneysiinin qandaraaskiisa.

Gool dhaliyaha taariikhiga ah ee Manchester City ayaa ka fiirsanaya inuu ka tago kooxda, si uu tijaabiyo waayo aragnimo cusub oo meelo kale ah.

Haddaba Sergio Aguero ayaa wareysi uu bixiyay waxaa lagu weydiiyay su’aal aheyd:

“Guardiola ma rajeynayaa inuu dib kula midoobo Messi kooxda Manchester City?”

Wuxuuna ku jawaabay: “Oo yaan jeclayn inuu la ciyaaro Lionel Messi?.”

Intaas kaddib Sergio Aguero ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Manchester City, wuxuuna yiri:

“Runtii, ma garanayo waxa aan sameyn doono bisha June ee soo socota.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here