Klopp oo ku dhawaaqay in Diogo Jota uu ku soo laaban doono tababarka buuxa ee kooxda Liverpool

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wargayska “Liverpool Echo” ayaa xaqiijiyay maanta oo jimco ah in xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota uu ku soo laaban doono tababarka buuxa ee Liverpool laba todobaad gudahood kaddib

Xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota ayaa ka soo muuqday xarunta tababarka Liverpool markii ugu horaysay tan iyo markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay bishii December ee la soo dhaafay.

Diogo Jota ayaa si gooni ah u qaatay tababarka dhawr maalmood laakiin ka qeyb galkiisa kulamadii Brighton, Manchester City, Leicester City iyo RB Leipzig ayaa aad u adkayd.

Wargayska “Liverpool Echo” ayaa xaqiijisay in Diogo Jota uusan awoodin inuu ka soo laabto dhaawicii waqtigaas sababa la xiriira dhaawacii xooganaa ee ka soo gaaray jilibka.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa bilowday isku diyaarinta kulanka Everton ee bari, kaddib markii ay guul kaga soo gaareen RB Leipzig kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here