Tirada dadka COVID-19 ugu dhintay Afrika oo 100 kun dhaaftay.

0
33

Baladweyne(Radio Beerlula)-Dadka uu galaaftay xanuunka Karoona ee qaarada Afrika waxay iminka tiradooda kor u dhaaftay 100,000 sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo cilmi baarayaasha Karoonaha .

Dalka koonfur afrika ayaa ah kan ugu dhimashada badan guud ahaan qaarada afrika
Koonfur afrika waxaa cudurka uu salfaday 48,859 taas oo ku dhow kala bar dadka afrika Covid-19 ugu dhintay .

Afrika oo ka kooban 53 dal waxaa ay la harjadeysaa sidii ay u heli laheyd talaalka Covid-19 kaas oo dhaqaale badan iyo tasiilaad dheeri ah oo dhanka gaarsiinta ah u baahan.
14 February sanadkii 2020 ayaa kiiskii ugu horeeyay Karoona qaarada Afrika waxaa laga diiwaan galiyay dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here