Inter Milan oo afar dhibcood kula wareegtay hoggaanka horyaalka Serie A

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa si joogto ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka Serie A kaddib markii ay 3-0 ka soo adkaatay naadiga ay isku magaalada yihiin ee AC Milan kulankii Milan Derby.

Daqiiqaddii 5’aad ee bilowgii ciyaarta ayaa goolka koowaad looga naxsaday AC Milan oo marti loo ahaa, waxaana Inter Milan hoggaanka u dhiibay Lautaro Martinez kaddib caawin uu ka helay Romelu Lukaku.

Isku dayo dhowr ah oo ay goolal ku doonayeen oo ay labada dhinac sameeyeen qeybta hore ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Inter Milan.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Inter Milan ayaa duullaanka halkeeda ka sii wadday, waxaana markale shabaqa soo taabtay Lautaro Martinez, waxaana uu sidaas ku dhaliyey goolkiisa labaad ee kulankan kaddib caawin uu ka helay Ivan Perisic daqiiqaddii 57-aad.

Inter Milan ayaa markale hoggaanka sii adkeysatay, waxaana goolka saddexaad AC Milan ugu shubay 66-daqiiqo Weeraryahankii hore ee Manchester United iyo Everton ee Romelu Lukaku, goolkaas oo uu markale caawiye ka ahaa Ivan Perisic natiijada kulanka ayaana isku bedeshay 3-0 looga gacan sarreeyey AC Milan.

Kooxda AC Milan ayaa awoodi weysay inay xitaa hal gool iska soo guddo kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0 ay ku adkaatay Inter Milan.

Inter ayaa haatan afar dhibcood kula wareegtay hoggaanka horyaalka Serie A, waxaana ay leedahay 53-dhibcood, halka AC Milan oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka ay leedahay 49-dhibncood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here