Kooxaha Southampton iyo Chelsea oo barbardhac ku kala baxay

0
29

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Southampton iyo Chelsea ayaa barbardhac 1-1 ah ku kala baxay, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsaneyd kulamada horyaalka Premier League.ay ku wada ciyaareen garoonka St. Mary’s.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.

Daqiiqadii 33-aad Southampton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Takumi Minamino, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nathan Redmond.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

54 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Mason Mount, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbardhac 1-1 ah oo ay ku kala baxeen labada kooxood Southampton iyo Chelsea, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsaneyd kulamada horyaalka Premier League.ay ku wada ciyaareen garoonka St. Mary’s.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here