Talaalka cudurka karoona feyris oo laga bilaabay dalal ka mid ah qaarada Afrika.

0
22

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qaar ka mid ah dowladda dalalka Afrika ayaa bilaabay inay dadka u haleelay cudurka karoona feyris ku talaalan daawooyinkan cudurkan ee ay soo saareen, shiinaha, Ruushka, Hindiya iyo dalal kale.
Dalalka laga bilaabay Talaalka cudurka karoona feyris ayaa waxaa ka mid ah Morocco,

Algeria, Masar, Rwanda, Zimbabwe, iyo Mauritius.
In ka badan 100 kun oo ruux ayaa cudurka karoona feyris ugu dhimatay dalalka Afrika, halka tiro kalana ay wali la xanuunsan yihiin cudurkan.

Cudurka karoona feyris ayaa sameyn weyn u geystay dalalka qaarada Afrika, oo markii horaba la daala dhacayay dhibaatooyin badan oo ka dhashay daadad iyo ayax ku habsaday beerahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here