Horudhac: Atletico Madrid vs Chelsea

0
141

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa caawa ku wda dagaallami doona kulan ka tirsan lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka UEFA Champions League ciyaar ka dhici doonta garoon dhex-dhexaad ah oo ku yaalla magaalada Bucharest ee ah caasimadda dalka Romania.

Ciyaartan ayaa markii hore ku jadwaleysneyd inay ka dhacdo garoonka Atletico Madrid ay ku ciyaarto ee Wanda Metropolitano, hase ahaatee, caqabado dhanka safarka ah oo ay u wacan tahay saameynta xanuunka Korona Fayras ayaa loogu weeciyay in lagu ciyaaro koonfurta dalka Romania.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub– Chamions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Arena Națională

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here