10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League Qaybta Hore Ee Xilli Ciyaareedka Oo La Soo Saaray.

0
11

Baladweyne (Radio Beerlula)- Todobaadkii ugu dambeeyay ee premier League ka hor bilaabashada koobka adduunka ayaa soo saartay lama filaan kadib markii ay Brentford garaacday Man City kulan ku dhamaaday 2/1.

Waxa ku xigtay in ay Arsenal 5 dhibcood ku qabatay hogaanka premier League kadib markii ay ka badiyeen kooxda Wolves iyaga aadi doona wakhtiga ciida gaalada iyaga oo hogaaminaya premier League.

Dhinaca kale kooxaha Liverpool, Man United, Tottenham iyo Newactle ayaa guulo gaadhay iyada oo chelsea guuldaro kala kulantay kooxda Newcastel United.

Kadib kulamadii todobaadkk 14-aad waxa la soo saaray 10-ka xiddig ee ugu fiican premier League iyada oo la soo saaray xiddigaha wacdaraha dhigay ilaa haatan premier League.

  1. Miguel Almiron
  2. Harry Kane
  3. Erling Haaland
  4. Ivan Toney
  5. Rodrigo Bentancur
  6. Martin Odegaard
  7. Alisson
  8. Darwin Nunez
  9. Harvey Barnes
  10. William Saliba