Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war fiican ka heshay xiddiga reer France ee Ousmane Dembele ee muddada dhaawaca kaga maqan, ka hor ciyaarta Real Madrid ee lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey ee Axadda.
Barcelona oo lugtii hore ee ka dhacday Santiago Bernabeu kusoo badisay 1-0, ayaa waxay garoonkeeeda Camp Nou kusoo dhoweyn doontaa Real Madrid oo u dhaarsan sidii ay u aargoosan lahayd maadaama ay Barcelona sidoo kale 2-1 ku garaacday ciyaartii horyaalka LaLiga ee toddobaadkii hore oo ay 12 dhibcood kaga qabatay hoggaanka.
Xavi Hernandez ayay walaac ku hayaan dhawr ciyaartoy oo muhiim ah oo ka dhaawacan, sida Pedri iyo Andreas Christensen oo la xaqiijiyey inay ka maqnanayaan ciyaartaas iyo Frenkie de Jong oo shaki ku jiro, isla markaana aan ciyaarin kulamadii isreeb-reebka Euro 2024 ee xulkiisa Netherlands.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Adria Albets, garabka weerarka Faransiiska ee Ousmane Dembele oo hore loo sheegay in aanu ciyaari doonin kulanka Real Madrid ayaa waxa la sheegay in hadda uu rajo ka qabo inuu dheelo kulankaas, kaddib baadhitaano lagu sameeyey Khamiistii.
Dembele oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Girona ee bishii January, ayaa waxa hore loogu qoondeeyey inuu garoomada kusoo laabto ciyaartii El Clasico ee March 19, balse dib u dhac ayaa ku yimid.
Adrian Alberts ayaa waxa uu sheegay, in Ousmane Dembele uu fursad u haysto ciyaarta April 5 ee horyaalka ee Real Madrid oo 100kiiba boqol aan la odhan karin wuu maqnaanayaa.