Natiijooyiinka galabta tartanka Sera B-da ee Baladwayne.

0
49

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa wali si xiiso leh uga socda tartanka kooxaha heerka labaad , kaasoo hadda wareegii labaad la soo gaba gabeeyay.

Tartankan ayaa maanta laga ciyaaray saddex kulan , waxana kulanka koowaad food isku daray Fiiltare iyo Howlwadaag Stars, waxana 1-0 ku badisay kooxda Fiiltare.

Kulanka labaad ayaa waxaa fooda isku daray kooxaha Helo bardo iyo Jayga, waxana ay ku soo dhamaatay barbaro 0-0, waxana wareega saddexaad u gudubtay kooxda Helo bardo maadaam kulankii hore ay ku soo badisay 4-0.

Kulanka saddexaad ayaa waxaa wada ciyaaray kooxaha SYL iyo xidigaha, waxana ay ku soo dhamatay barbaro 0-0, waxana wareega saddexaad u gudubtay kooxda SYL maadaam kulankii hore ay ku badisay 1-0.

Ugu dambeyntii maalinta beri ayaa si rasmi ah loo bilaabi doonaa wareega saddexaad ee tartanka kooxaha heerka labaad ee magaalada Baladweyne.