12 waddo oo Intarloog ah oo laga hirgeliyay degmada Howlwadaag oo xariga laga jaray

0
127

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Xassan Xuseen ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo Intarloog ah (Interlock), kuwaas oo laga hirgeliyay Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.

Mashruuca dhismaha waddooyinkan waxaa si wadajir ah u fuliyey bulshada deegaanka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana munaasabadda xarig-ka-jarka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo madaxda degmada.

Warkan Waxaa inoo haya Sahra Ibraahin Dhicisoow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here