16 dalxiisayaal ah oo la la’ayahay kaddib markii doontooda ku degtay Badda Cas.

0
62

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Masar ayaa sheegtay in 16 qof oo ay ku jiraan shisheeye la la’yahay kadib markii doontii ay la socdeen dalxiisayaasha ay ku degtay Badda Cas.

28 ruux oo la socday doontan ayaa la badbaadiyay sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Masar.

Doonta waxaa saarnaa 44 qof oo saddex ka mid ah ahaayeen shaqaale, lab aka mid ah dadkan la laa yahay ayaa la rumeysan yahay inay u dhasheen Britain iyo Finland.

Mas’uuliyiintu ma sheegin sababta shilka keentay balse waxay ku tilmaameen in mowjadaha badda ay doonta ku dhufteen sidaasina ay ku degtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here