17 jirada xulalka Soomaaliya  iyo South Sudan oo galabta is wajahaya

0
343

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka qaranka soomaaliya ee 17 jirada ayaa galabta  xulka 17 jirada South Sudan la ciyaari doona kulanka kama danbaysta ah ee tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee loogu soo baxayo ka qay-galka koobka Afrika oo Algeria ka dhici doonna sanadka socda.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaadhan uu hogaaminayo ayaa ku sugan dalka Ethiopia oo ay ciyaarta ka dhici doonto galabta si ay udhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka qarankeenna ee 17 jirrada

Xogta kulanka;

Tartanka    CECAFA ZONE QUALIFIERS FINAL 2022/2023

Xulalka      Soomaaliya  VS South Sudan.

Garoonka     Abebe bikila

Waqtiga     3:00 galabnimo