186 qof oo la la’yahay kadib 4 doon oo ku degay badda Jabuuti iyo Yemen.

0
156

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, halka 186 kale la la’yahay, kadib markii afar doon oo siday tahriibayaal ka soo baxay Afrika ay ku qalibmeen biyaha u dhow Yemen iyo Jabuuti habeenimadii Khamiista, sida ay maanta oo Jimcaha shaacisay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM).

Afhayeenka IOM, Tamim Eleian, ayaa u sheegay Associated Press in laba ka mid ah doonyaha ay ku qalibmeen biyaha Yemen, halkaas oo laba ka mid ah shaqaalaha doonyaha la badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah ay weli la la’yihiin.

Isla habeenkaas, laba doon oo kale ayaa ku qalibmay biyaha Jabuuti. Meydadka laba tahriibayaal ah ayaa la helay, halka dhammaan rakaabkii kale la badbaadiyay, sida uu sheegay Tamiim.

Doonida saddexaad, oo ku qalibantay meel u dhow degmada Dhubab ee gobolka Taiz, koonfur-galbeed Yemen, waxay sidday 31 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo saddex shaqaale Yemeni ah.

Doonida afraad, oo ku qalibantay isla aaggaas, waxay ku socotay degmada Ahwar ee gobolka Abyan, iyadoo sidday 150 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo afar shaqaale Yemeni ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 2,082 tahriibayaal ah ayaa ku lumay marinkan, kuwaas oo 693 ka mid ah la xaqiijiyay inay badda ku dhinteen, sida laga soo xigtay IOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here