20 dhalinyaro ah oo Baladweyne loogu qabtay tababar ku saabsan hogaaminta.

0
525

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka iyo macalimiinta machadka bartamaha Soomaaliya ee magaalada Baladweyne ayaa tababar soconaya muddo labo maalmood ah u qabtay 20 dhalinyaro ah kuwaasoo la barayo doorka hogaaminta.

Dhalinyarada tababarkan ka qeyb galaya ayaa kala ah socota ardeyda dhigata dugsiyada sare, jaamacadaha iyo dhalinyaro kale.

Maamulaha machadka bartamaha Soomaaliya Maxamed Axmed Xeriye ayaa Radio Beerlula uga waramay ahmiyadda tababarkan.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ka qeyb galaya tababarkan ayaa radio Beerlula u sheegay in wax badan ay ka faa’ideen.

Warbixintan waxaa noo heysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here