Haweenay markii ay weyday qof caawiya hab qalliin ah isaga dhalisay

0
247

Baladweyne(Radio Beerlula)- Haweenay u dhalatay dalka Tanzania oo 30 sano jir ah ayaa qalliin isku samaysay iyada oo joogta gurigeeda oo ku yaalla miyiga kaddib markii ay u suuragali weysay inay si caadi ah ku dhasho, sida sargaalka ka tirsan waaxda caafimaadka ee magaalada Dr Hashim Movogogo u sheegay BBC-da.

Joyce Kilinda ayaa iyadoo isticmaalaysa sakiin isku samaysay qalliin.

Haweenaydan ayaa ka tagtay isbitaal ku yaalla magaalada Kirando, iyada oo ay foosha hayso kaddib markii ay dareentay in la dayacay, sida lagu sheegay wargayska ay dowladda leedahay ee Daily News.

Muddo dheer ayey codsanaysay caawimaad balse ma aysan helin wax jawaab ah.

Ms Kilinda iyo cunugga waa ay badbaadeen waxaana hadda lagu daryeelayaa xaruun caafimaad, ayuu yiri Dr Movogogo.

Sida la sheegay waa ilmihii siddeedaad ee ay haweenaydan dhashay balse waa kii ugu horreeyey ee ay ku dhasho qaab qaliin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here