Imtixaanka shahaaadiga oo maanta u soo gaba gaboobay ardeyda Baladweyne.

0
272

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 1467 oo ardey oo muddo shan maalmood ah imtixaanka shahaadiga uga socday magaalada Baladweyne ayaa maanta u soo gaba gaboobay.

Imtixaankan oo lagu galay lix xarumood oo ku yaalla magaalada Baladweyne ayaa ku soo dhamaaday si nabad ah, sida ay radio Beerlula u sheegeen gudoomiyaha waxbarashada gobolka hiiraan cismaan cilimi iyo maxamed muqtaar sheikh maxamed oo kamid ah kormeeraysha imtixanka ee kasocda dowlada federaalka.

Qaar kamid ah ardeydii maanta usoo dhamaday imtxanka shahaadiga ah ayaa Radio Beerlula u  sheegay in ay rajeynayaan guul.

Imtixaanka shahaadiga ee maanta la soo gaba gabeeyay ayaa soo bilowday 27 bishan kadib markii dib loo bilaabay imtixaanka maadaam 13-kii bishan la joojiyay kadib markii la helay qisha imtixaanka.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here