Madaxweynaha Kenya oo muslimiin badan xalay kula afuray Nairobi.

0
284

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa muslimiin badan xalay kula afuray masaajid ugu weyn  dalka kenya   ku yaalla magaalada  caasimadda Nairobi.

Muslimiinta ayaa madaxweynaha dalka kenya, ku xigeenkiisa William Ruto iyo barasaabka magaalada Nairobi afur la wadaagay.

Maamulka masaajidka iyo xubno ka soo jeeda dowladda ayaa Madaxweynaha ku qaabilay masaajidka oo lagu magacaabo Jamiic.

Madaxweynaha ayaa sanadihii la soo dhaafay Muslimiinta ku casuumi jiray xarunta madaxtooyada dalka.

Tani ayaa soo jiidatay muslimiin badan oo ku nool dalka Kenya, maadama ay tahay markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha shacabka muslimiinta ah masaajidka kula afura.

Ammaanka ayaa  la adkaayey, iyada oo la sheegay in jidad badan oo ku xira misaajidka la xiray.

Uhuru Kenya ayaa horay Muslimiinta Afur ugu sameyn jiray xarunta madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here